DAAWO: Telefishinka CNN oo Sii Daayay Muuqaal Naxdin Leh Dhacdadii Westgate Mall Mohamed on Oct 18th, 2013

     DAAWO: Telefishinka CNN oo Sii Daayay Muuqaal Naxdin Leh Dhacdadii Westgate Mall  Mohamed on Oct 18th, 2013

Nin la sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya balse haysta dhalashada Norway ayaa la sheegay in uu ku lug lahaa weerarkii  21-kii September lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Ninka oo lagu magacaabo Xassan Cabdi Dhuxulow oo 23 jir ah ayaa ka dhex muuqday sawirro ay qaadday kaamiro ku xirneyd xarunta Westgate.

Sida ay BBC sheegtay qaar ka tirsan ehelada Xasan oo ku nool Norway waxay u xaqiijiyeen inuu Soomaaliya ku noqday sanadkii 2009.

Dowladda Norway ayaa xubno ka tirsan sirdoonkeeda u soo dirtay Kenya, si ay baaritaan ugu sameeyaan in qaar ka tirsan muwaadiniinteeda ay ku lug lahaayeen weerarka.

Weerarkii Westgate oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-Shabaab waxaa lagu dilay dad ka badan 60 qof.