Degmada Waajid oo ay kajirto Dareen colaadeed kadib Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo dul degey Oct 20, 2013

Degmada Waajid oo ay kajirto Dareen colaadeed kadib Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo dul degey  Oct 20, 2013

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobollada Bay iyo Gedo ayaa la sheegayaa inay ku sii jeedaan  degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinka ay ka taliso Al-shabaab.

 Degmada Waajid waxaa ka jirta cabsi weyn, waxaana qarka u soo fuulay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isla socda, Al-shabaabna dhaqdhaqaaqyo ayay billaabeen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Waajid.

 Ma jiro hadal kasoo baxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku saabsan qorshahoodan ay ku weerayaan degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-shabaab ay ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa dhawaan sheegay inay isku diyaariyeen inay Al-shabaab kala wareegaan goobaha ay kaga sugan tahay gobolladan, inkastoo aysan sheegin xilliga ay howlgalladooda billaabayaan.

 Degmada Waajid ayaa waxay min 90-km u jirtaa degmooyinka Baydhabo, Xudur iyo Luuq oo ka kala tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo ay saraakiisha dowladdu sheegeen inay u arkeen mid muhiim u ah dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.