DHAGAYSO: Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho oo laga bad baadiyey musiibo culus oo loo maleegayey Oct 18, 2013

DHAGAYSO: Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho oo laga bad baadiyey musiibo culus oo loo maleegayey  Oct 18, 2013

Afaayeenka xuukumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C\Wali ayaa wuxuu sheegay in habeenkii ciida gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo maleegayay sida uu sheegay falal amni daro ah , kuwaas oo Tiro haan gaarayay ilaa 20 Qof

Ragan ayuu sheegay inay doonayeen falal Amni Xumo ah ay ka geystaan Maasjidka Isbahaysiga islaamka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo maalitii ciida ay ku Tukadeen madaxa ugu sareesa dowlada Soomaaliya iyo Boqolaal qof oo rayid ah

Ridwaan Xaaji C\wali, oo ka warbixinayay kulankii golaha Wasiirada ee ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay Ansixiyeen heshiis dhex maray Wasaarada gaashaan dhiga Soomaaliya iyo Talyaaniga

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Golaha Wasiirada ay maanta ka hadleen sidii loo sii deen lahaa Maxaabiis fara badan oo ku xiran qaar ka mid ah wadamada caalamka

Golaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa Totobaadkiiba mar waxaa ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho kulankaa oo looga hadlo xaalada dalka uu ku sugan yahay.

Kulankii Maanta waxaa shir gudoominaayay ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya C\faarax Shirdoon Saacid.