Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha dhexe halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan kuwa Shabaab.
Afhayeenka Gobalka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa Risaala u xaqiijiyay la wareegitaanka ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM Degmada Mahadaay ee Gobalkaasi Shabeelaha dhexe.
Da’uud Xaaji Ciiro afhayeenka Gobalka Shabeelaha dhexe waxa uu sheegay in goordhaw wafdi ka socda masuuliyiinta Gobalka Shabeelaha dhexe iyo Maamulka Degmada Mahadaay ay gaari doonaan Degmadaasi.
Wuxuu sheegay in Degmada ay si nabadgelyo ah kula wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo uusan jirin iska caabin ay kala kulmeen ciidankii Shabaab ee Magaalada ku sugnaa.