DHAGAYSO: Wararkii ugu danbeeyey Qaraxii ismiidaamin ee ka dhacay Magaalada B/weyne “Live” Oct 19, 2013

DHAGAYSO: Wararkii ugu danbeeyey Qaraxii ismiidaamin ee ka dhacay Magaalada B/weyne “Live”  Oct 19, 2013

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo Gaaraya magaalada B/weyne ayaa waxay sheegayaan in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay B/weyne oo dhimasho iyo dhaawac badan ay jiraan.

Qaraxa waxa geystay ruux isa soo miidaamiyey waxaana uu ka dhacay geed lagu hoos iibiyo shaaha kuna yaalla Afaafka hore ee Xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee B/weyne.

Wariye lagu magacaabo C/weli Xasan Jimcaale oo ka shaqeeya Idaacada Dawlada ee B/weyne ayaa Kulmiye usheegay in 11-qof shacab ah indhihiisa uu ku arkay geeridooda halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Dadka dhintay waxaa ku jira labo askari oo katirsanaa ciidamada Dawlada iyadoo inta kale ay rayid goobta ku shaah cabayey ahaa.

Meydadka iyo dhaawaca ayaa aad ubuux dhaafiyey cusbitaalka magaalada B/weyne waxaana ilaa hadda aan jirin war kasoo baxay maamulka gobolkaasi ay kaga hadlayaan qaraxaan ismiidaaminta ahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga wariyaha jooga B/weyne oo qaraxa ka hadlaya