DHAGEYSO DHACDO NAXDIN BADAN OO BOOSAASO KA DHACDAY October 19, 2013

DHAGEYSO DHACDO NAXDIN BADAN OO BOOSAASO KA DHACDAY   October 19, 2013

Dhacdo la yaab iyo naxdin leh ayaa ka dhacday xaafad kamid ah Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, kadib markii nin la dilay shan bil kahor meydkiisa laga soo saaray hooygii uu daganaa.



Ruuxa la dilay oo magaciisa uu ahaan jiray Maxamed Bashiir ayaa meydkiisa waxaa isaga oo jar-jaran laga soo saaray god lagu riday oo ku dhexyaala guriga uu daganaan jiray.

Taliyaha saldhigga booliska Baal-lade ee Boosaaso, Siciid Cali Ibraahim ayaa sheegay in eedaysaneyaasha kala ah Iftin Maxamed Cismaan iyo Tamaam Ahmed oo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Ethiopia ay middi ku dileen marxuumka oo qabay gabadha wax ka fulisay dilka.

Wuxuu sheegay in dadkaasi iminka gacanta lagu haayo oo ciidamada Booliiska ay ku wadaan baaritaano, maadaama falka ay geysteen uu ahaa mid naxdin badan oo aan horay Boosaaso uga dhicin.

Taliyaha ayaa intaas kudaray in maydka ninka la dilay lugu aasay gudaha hoygiisii oo lugu dhex dilay, uuna dhawaan ka warhelay booliska oo kaashanaya ehelada marxuumka.

Waa dhacdo naxdin iyo amakaag leh, marka loo eego ruux inta la dilay oo mindi lagu jar-jaray kadibna meydkiisa aqalka god ku yaala lagu riday.