Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa ka socda Banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan qaar kamid ah shacabka Magaalada Baydhabo iyo odayaasha Magaaladaasi.
Sida uu Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo kamid ah odayaasha Magaalada Baydhabo ujeedka banaanbaxa ayaa wuxuu yahay mid ku aadan in lagaga soo horjeesto shirka Bressuls.
Banaanbaxa ayaa hada wuxuu ka biloowday xarunta Degmada Baydhabo waxaana shacabka ay socod ku tagi doonaan ilaa Garoonka Kubadda cagta ee Magaalada Baydhabo.
Malaaqyada Gobalka Baay ayaa waayahan dambe ku kacsan Dowladda Soomaaliya, xilli ay horay ushaaciyen inay kasoo horjeesteen Dowladda Soomaaliya xiriirkana ay ujareen.
Riix Halkaan Si Aad u Dhakaysato
{C}