Xildhibaano todobo ah oo kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa waxay maanta gaareen magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Xildhibaanadan oo kasoo jeeda beelaha Asalka ah ee Digil iyo Mirifle ee gobolka Gedo ayaa waxaa horkacayay Xildhibaan Cismaan Libaax waxayna barqadii maanta kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow waxayna isla caawa gaareen magaalada Luuq.
Imaatinka wafdigan Xildhibaanada ee gobolka ayaa waxaa aad u qoonsaday(Dhibsaday) Beesha Mariixaan halka todobaadkii hore ay gobolka yimaadeen Xildhibaano ka socday beesha Mariixaan.
Hadaba si aan wax badan uga ogaano safarka Xildhibaanada gobolka Gedo ayaa waxa uu wariyeheena KoonfurGalbeed ka waraystay Diyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Booliska Degmada Luuq.
Su’aasha ugu horeysa ee uu weydiiyey Diyaad ayaa waxay ahayd Xildhibaanadan soo gaaray magaalada Luuq iyo waxa ay tahay ujeedadooda,waxaana uu ku jawaabay?