Malaaq Axmed Cali oo ka mid ah malaaqyada kasoo jeeda gobolka gedo haatana ku sugan magaalada Baydhabo oo kasocda shirka maamul u samaynta gobolada KoonfurGalbeed ee Lixda ah ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Maamulka Juba ee Axmed Madoobe.
Malaaqa ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba ayan suura gal aysan aheyn in gobolka Gedo oo wax aan badneen u jirta magaalada Baydhabo laga maamulo Kismaayo sidaasi awgeedna ay hada sameynayaan maamul 6 gobol oo ay ku jiraan Gedo iyo jubooyinka.
Malaaq Axmed Cali mar uu ka hadlay aqoonsiga dowladda ay siisay maamulka Axmed madoobe ayaa waxa uu sheegay in aan waxba aqoonsi siin karin Dowlada Axmed Madoobe.