Dhegeyso:- Hoyga Isbaarooyinka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la sheegey in lasoo dhigey in ka badan 60 Isbaaro Oct 19, 2013

Dhegeyso:- Hoyga Isbaarooyinka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la sheegey in lasoo dhigey in ka badan 60 Isbaaro  Oct 19, 2013

Wararka eynu ka heleyno Gobolka Sh.Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lasoo dhigay Isbaarooyin kor u dhaafaya ilaa iyo 60 kuwaasi oo la sheegay in ay soo dhigeen Askar ku labisan Dareeska Dowladda Soomaaliya.

Askartan Isbaarada soo dhigatay inta u dhaxeysa Degmada Afgooye ilaa iyo Wadada isku xerta Baydhabo ayaa waxaa la sheegay in ay dhibaato kala duwan u geystaan Shacabka kala duwan ee ku dhaqan Gobolka Sh.Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka Dhaqaalaha ee Gobolka Sh.Hoose C/fataax Xaaji C/lle Yuusuf oo la hadlay wabaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Isbaaro ka badan 60 la soo dhigay inta u dhaxeysa Wadada dheer ee isku xerta Magaalada Afgooye iyo Baydhabo waxaana uu tilmaamay in Jidgooyooyinkaasi ay soo dhigteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Militari.