Mid ka mid ah xildhibaanada digil iyo mirifle ayaa sheegey in ay soo af jareen caradii heysey odayaasha dhaqanka ee digil iyo mirifle taasoo ey wax kaga tabanayeen in dowlada hishiiskii ey la gashey Axmed madoobe.
Xildhibaanka ayaa sheegey in ey waqti badan geliyeen sidii loo soo afjari lahaa qilaafkaas eyna ku guuleysteen inta badan inta hartey ay dhameyn doonaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee shirarka ka dhacay degmada baydhabo ayaad waxaad modaa in si weyn ey dadkii ka qeyb galey ugu kala aragti duwan yihiin taasoo ey odayaasha ey qabaan in la sameeyo maamul lex gobol ah halka ey Prof Jawaari iyo Xertiisana ay qabaan in maamulada hoos laga soo sameeyo ka dibna la sameeyo midka sare.
Taasoo aad moodo in Prof Jawaari iyo Xertiisa in ey ku jiraan riyo aan dhamaad laheyn sababtoo ah gobolka shabeelaha hoose 4 degmo oo ka mid ah waxaa ay gacanta ugu jirtaa Alshabab Jubada dhexe oo dhan waxaa heysta Alshabab, qeyb ka mid ah Jubada hoose weli wey maqan tahay Bay iyo Bakool Iyo Gedana waa aragnaa xildhibanadii kasoo jeedana ma aha kuwa tegi kara deeganada la xoreeyey oo wexey hoteelada ka buuxiyaan magalada muqdisho.
Suaasha wexey tahay sidee maamul looga soo sameyn karaa degmooyinka iyo tuuloyinka maadaama dhulka intiisa badan uusan xor eheyn sideese maamul loogu sameyn karaa deegaana xorta ah oo ey dowladu gacanta ku heyso in ka badan sanad ah oo aan wax horumar ah ka jirin xildhinadii matalayeyna ey fadhiyaan magalada Muqdisho.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada,
Riix Halkaan si aad u Dhageysato