Jaaliyadda iyo Ardayda koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Turkiga Oo Eedeeyey dowladda Soomaaliya iyagoona Taagyeray Shirka Baydhabo kasocdo. Sep 17, 2013

Kullan ay maanta isugu yimaadeen Jaaliyadda iyo Ardeyda ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle isla markaana wax ka barata Dalka Turkiga ayaa eedeen u jeediyeen dowladda Soomaaliya.

 

Marka uu dhammaaday kullankan oo ka dhacay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa waxaa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyey Guddoomiyaha Jaaliyada iyo qaar ka mid ah Ardeydaas waxayna ku eedeeyeen Hogaanka dowladda Soomaaliya in Axmed Madoobe gacanta u geliyeen deegaanada Beelahaas ay dagaan, iyagoo sheegay inay guud ahaan kalsoonidii kala laabteen dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle   Madey Abdullaahi Sirmaqabe ayaa ugu horeyn sheegay inay ka xun yihiin sida ay u socoto siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh maxamud , wuxuuna ugu baaqay inay dib uga fiirsadaan waxyaabaha keeni kara burbur iyo fashil ku yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan adalkiisa kamid ahaa sidan soo socota.

 

,,Madaxweynaha kama yeeleyno in deegaanada aan xaqa u leenahay inuu u gacan geliyo dad marti ah,, ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha Jaaliyada  Digil iyo Mirifle ee Dalka Turkiga Mudane Madey Abdullaahi Sirmaqabe.

 

Sidoo kale C/risaaq Malaaq Deerow oo ka mid ah ardeyda Beelaha Digil iyo Mirifle islamarkaana kullanka maanta ka hadlay ayaa tilmaamay inay xaaraan tahay Heshiiskii  Adis Ababa ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan ku wada galeen Maamulka Axmed Madoobe ee Jubooyinka.

 

Dhinaca kale Jaaliyada Beelaha Digil iyo Mirifle waxay taageereen go’aanka ay qaateen Siyaasiyiinta, Xildhibaanada, Malaaqyada iyo Saraakiisha Digil iyo Mirifle inay yimaadaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Sidoo kale jaaliyada iyo ardayda waxay taagyerayihiin  shirka hada kasocda magaalada baydhabo oo la rajeynayo in dhowaan  loogu dhawaaqo dowlada koofurgalbeed ee soomasliya.

 

Haddalkan ayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyey sii kordhayay khilaaf dhanka Siyaasada ah oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle kaasoo salka kuhaya heeshiiskii dhawaan magaalada Addis Ababa ee dalka İtoobiya ku dhexmaray Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubooyinka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.