Madaxweynaha Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Dubai Ee Isutaga Imaaraadka Carabta Warbixin September 11, 2013

Madaxweynaha Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Dubai Ee Isutaga Imaaraadka Carabta Warbixin September 11, 2013

Dubai: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiiradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan Xildhibaano Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaaladda Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta. Garoonka Diyaaaradaha ee Mataarka Boqortooyada ayaa waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaradaka Carabta Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale. Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduuca ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”. Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya.