Malaaq deerow Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ay ka go'an tahay maamul ay u sameeyaan gobalada Koonfur galbeed ee Soomaaliya, isagoona meesha ka saaray jiritaanka maamulka Axmed Madoobe.
Malaaq deerow Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamul ay u sameeyaan gobalada Koonfur galbeed ee Soomaaliya, isagoona meesha ka saaray jiritaanka maamulka Axmed Madoobe.
Waxa uu tilmaamay in maamulka ay Baydhaba uga dhawaaqi doonaan uu yahay mid maamuli doona gobalada kala ah, Bay, Bakool, Gedo, Sh/hoose, Jubada Hoose, Jubada Dhexe isagoona tilmaamay in qaabkii maamulkaasi loo dhisi lahaa ay diyaar santahay.
Anaga waxaa naga go’an in maamul gobaleed aan u sameeno Lix ka mid ah gobalada Koonfureed, dowladda iyada oo wax nala waday ayeey Axmed Madoobe u jeesatay, laakiinse ma ahan taasi wax aynu aqbali donno, dhawaan ayaan maamul deg deg ah sameen donnaa gudoomiyaha baarlamaankana waa nala joogaan”.
Nabadoonka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya si aan ka fiirsasho lahayn ku aqbashay maamulka Jubba taasina ay keentay in waxa hadda socdaa ay ka bilawdaan magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose.