Iyadoo Champions League uu dib u bilowday isbuucaan, labada ciyaaryahan ee ugu fiican tartanka ayaa min seddex gool shabaqa cusjiyay iyagoo dib u bilaabay xafiiltanka shaqsiyadeed ee ka dhaxeeya ee tartankaan Koobka Kooxaha Qaarada Yurub. Ronaldo iyo Messi ayaa durbaba tartankooda uu wadada saaran yahay. Marka hore waxa ay aheyd Cristiano, xiddiga reer Portugal ayaa heshiiskii cusbaa ee uu u saxiixay Real Madrid waxa uu kula dabaaldegay seddexleey uu dhaliyay kulankii ay kooxdiisa 6-1 ku dubatay Galatasaray habeenkii talaadada iyadoo kooxda caasimada Spain ka dhisan ay baadigoob ugu jirto La Decima oo ah koobkii 10aad ee Champions League. waxaa islamarkii asiga uu kooxdiisa u dhaliyey sadax gool habeenki xaley ahaa mar ay isugu horyimaadeyn kooxda Ajex oo ku dhaxmarey Comp nou Cristaino ayaa labo fursadood oo uu ka faa’ideystay shabaqa dhex dhigay ka hor inta uusan seddexleydiisa ku dhameystiranin gool uu isaga shaqeystay islamarkaana uu dhowr difaac kubada la dhaafey ka dibna uu u sadaxeeyay kooxdii reer turkiye oo magaceeda ahaa galatsaray ayaa sanadkii hore labadaan xidig ku kal hogaaminayeen,ciyaareedkii 2010-11, waxaana uu ku darsaday xilli ciyaareedki ku xigay uu ku qaaday rikoor 14 gool ah, halka Cristiano Ronaldo uu xilli ciyaareedkii hore ku qaaday 12 gool si kastaba ha ahaato waxaa la wada ogsoonyahey in uu mar dow bilaadey championka ay kooxaha ay isku arkeyn hal kulan kuligooda ayaa hadeer Ronaldo iyo messi ay wada leeyahiin sadax gool waa arkeyn xidigii ku guulaysto tartanka gool dhalinta