Tababare Tata Martino ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Champions League ku bilowday guul ka dib markii kooxdiisa Barcelona ay 4-0 ku xaaqday Ajax iyadoo Lionel Messi uu seddex gool shabaqa cusjiyay. Tata Martino ayaa ciyaartaan kursiga keydka ku bilaabay Xavi iyo Pedro halka Neymar uu ciyaaray kulankiisii ugu horeysay ee Champions League abid, waxaana dhanka Ajax ka soo saftay xiddiga ay milkiyadiisa iska leedahay Barca ee Bojan, waxaana ay aheyd markii ugu horeysay ee ay tartan rasmi ah ku kulmaan labadaan kooxood. Barcelona ayaana qeybtii hore kubada inteeda badan iska heysatay, inkastoo Ajax ay abuurtay fursado goolal loo fishay balse kama faaideysan kooxda ajex,Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona daqiiqadii 22aad isagoo laad xor ah oo cajiib ah shabaqa dhex dhigay iyadoo kubada ay birta geeska ku dhacday ka hor inta aysan shabaqa salaamin.ka dib kooxda ajex aa hashey fursad qaali ah inatey dhinac kubada si qaabeysan dhinaca ugu soo dhigey bojan ka dib waxaa meel banaan ka haley,Van Rhijin, madaxa dhianca gool nasiib daro waxaa gacanta ku dhigey goolhayaha kooxda Valdes,Daqiiqadii 38aad ayaa mar kale ay Ajax heshay fursad halis aheyd, laakiin Valdes ayaana mar kale darbo hoose oo awood leh ka badbaadiyay Dauarte ka dib kubad uu soo dhigay Sigthorsson,waxaa lagu kala nastey kooxda barcelone oo lah hal gool iyo kooxda ajex aan waxba laheyn, labada kooxood waxay la qaateyn la tashi macalimiintooda ka dib waxaa dib ugu soo noqdeyn garoonka , waxay cayaarta ku bilaabatey dar dar iyo isku dhiib dhiib waxaa fursad haley laacibka wayn ee reer arjantin messi oo u labeeyay kooxda ajex oo u sheegay inuu u hibeeynooya goolasha caawo macalinkiisa oo aabahisa ku geeriyoodey mar dhow arjantiin, daqiiqada ka dib waxaa hadana fursad kale haley messi taas oo ka timid laacibka da,eda yar Naymer oo kubad si qurux badan u siiyayGerard Pique ka dibna si qurux badan u daba mariyey gool hayaha ,Lionel Messi ayaana dhameystirtay daqiiqadii 74aad seddexleydiisa ka dib markii uu kubad sahlan shabaqa dhex dhigay, waana seddexleydiisii 4aad uu ka dhaliyo Champions League waana ciyaaryahanka kaliya championkan intuu bilawdey dhaley gool ugu qurux badnaa,Labo daqiiqo ka dib Ajax ayaa rigoore loo dhigay ka dib markii Mascherano uu qalad ku galay Serero, waxaana rigoorada u soo istaagay Sigthorsson laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay Victor Valdes,Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 4-0 oo ay Barcelona ku xaaqday kooxda Ajax oo marti ku aheyd Camp Nou.
Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 4-0 oo ay Barcelona ku xaaqday kooxda Ajax oo marti ku aheyd Camp Nou. Dhanka kale AC Milan ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee Champions League ka dib markii ay 2-0 ugu awood sheegteen kooxda Celtic oo marti ku aheyd San Siro. AC Milan ayaa ciyaarta qeybteedii hore oo dhan iska maamuleysay islamarkaana abuurtay fursadaha ciyaarta oo dhan. Goolhaye Foster ayaana Rossoneri fursado fiican ka badbaadiyay, iyadoo Mario Balotelli iyo Matri ay u soo dhawaadeen inay shabaqa soo taabtaan balse goolhayaha uu ka beeniyay fursado fiican. Dhamaadkiii qeybta hore ayaa sidoo kale darbo ka soo baxday Balotelli waxa ay ku dhacday Ambrose iyadoo kubada ay u muuqatay inay shabaqa ku socoto laakiin waxaa faraha cididooda ku bixiyay Foster,qaybtii hore cayaarta waxaa lagu kale nastey barbardhaca,Ugu danbeyn Milan ayaana hogaanka qabatay ka dib markii kubad nasiib aheyd uu shabaqa dhex dhigay Zapata oo loo qoray, Milan ayaase hogaanka ciyaarta sii dheereysatay afar daqiiqo ka dib markii kubad uu soo badbaadiyay Foster uu ku celiyay shabaqa oo banaan Muntari.waxay ku dhamaatey ACmilaano oo ku badisay 2 -0 celtic oo guuldaro la hooyatey