Kulan balaaran oo wadajir ahaa ayaa shaley waxay ku yeesheen magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaarey.
Kulanka ayaa dood dheer kadib waxaa la sheegayaa in xildhibaanda oo shir gudoominayey Gudoomiye Jawaarey ay gaareen go’aano ah:-
1-In maalinta Isniinta xildhibanda D&M iyo inta ladegta ay kala adaan gobolada SH/hoose iyo Baay ayna soo dhisaan mamulada Degmooyinka iyo Gobolada , kuwaasoo meesha ka saaraya hadafkii ahaa in la dhiso Dowlad Goboleed.
Go,aankan ey gaareen xildhibaanada iyo gudoomiyahooda ayaad moodaa mid xaqiiqda aad uga fog dadkana ey ku micneeyeen in uu yahay mid la rabo in looga hortago abaabulka maamul u sameynta 6da gobol ee koonfurta somaliya.
Sida eynu la socono gobolka shabeelaha hoose inta ey dowladu maamusho waa 4 degmo inta maqana waa 4 digmo ma jirto xildhibaan kasoo jeeda deeganadaas oo tegi karo ama hal mar ka badan tegey.
Marka suaasha la is weydinayaa wexey tahay xildhibaanadan la yiri taga deegaanadiina maamulna usoo sameya ma noqon kartaa ma ka hadleysa xaqiiqda mise waa mid la doonaya in lagu carqaladeena shirka ka bilaaban raba Degmada Baydhaba.