Shirka Brusseles iyo Madaxweynayaasha Soomaaliya Sep 16, 2013

Shirka Brusseles iyo Madaxweynayaasha Soomaaliya  Sep 16, 2013

Shirka Brusseles iyo Madaxweynayaasha Soomaaliya

Qeexid madaxweyne waa kuma

Madaxweyne waa , qof ama masuulka ugu sareeya Dal, leh xuduud, Dad,iyo maamul dowli ah oo la aqoonsan yahay, lehna , dhamaan qeybaha ay dowlad ka kooban tahay, sida gole Baarlamaan, fullin, garsoor madaxbanaan, ciidan ilaaliya iyo shacab raali ka ah dhamaantiis ama inta badan lehna qaanuun kala haga, oo ugu danbeyn leh hal madaxweyne in kastoo wadan waliba uu qaab u gaar ah leeyahay .

Shirka Biljemka oo ay soo qaban qaabisay EU da , oo 16ka  bishan ka dhacaya brussel ayaa waxaa ujeedadiisu tahay sidii somalia looga caawin lahaa dib u dhiska iyo kaabida hay adaha dowlada.

Shirkan New Deal ka ah   waa shir muhiim u leh beesha Caalamka iyo Soomaaliyaba, sida ay qabaan dad badan oo soomaaliyeed iyo Wadamada daneeya Somaliya maadama laga baxay KMG kii , tasoo ay rer galbeedku aad u daneynayaan labo arrimood, kow in ay helaan wadankaan oo nabad ah oo ay kala danbeyn ka jirto islamarkana madaxdiisa ama dowladiisa ay xiriir fican la leeyihiin  si qeyraadka dalka ay wax ugu helaan iyo in ay ka hor tagaan in ay soomaaliya noqoto meel qatar ku ah amnigooda iyo danahooda dhaqaale ee Afrika.

 sidaa daraaded si ay u  dhabeeyaan  qorshahooda ujeedo badan ay ku casuumeen dhamaan madaxda iyo qeybaha soomaliya isku haya si ujeedada shirka ka leeyihin u noqoto mid miro dhal ah

 Midowga Yurub waxa ay  go’aan sadeen in xaqiiqda soomaaliya taalo ay u wajahaan si isku meel dhexaad ah , shirkuna ay soo xaadiraan Dadka ay Talada rasmiga ah ee Soomaaliya ay ka go’do iyagoo ka taxadaraya in uusan shirku noqon mid la mid ah shirar ay horey uq abteen oo wax badan ka soo naso cadaan.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu shirka ka qaadanayaa qaybtiisa oo magaciisa Xambaarsan lakiin Madasha shirka iyo nuxurkiisaba waa la wadaagaya waana loo siman yahay sida ay qorsheeyeen Midowga Yurub oo na ka muuqata habka caasuumada iyo dadka ugu qeyb galaya dhinacyada Somaliya.

Beesha Caalamku iyo EU daba way la socdeen intaan aan kor kusoo sheegay wayna ka dharag sanyihiin waxa dhabta ah ee ka jira somaliya

waxaa horey loo shaaciyey in shirka ay hogaamin doonaan Dowlada somaliya iyo Midowga Yurub, gar ahaan ay somaliya si rasmi ah u matali doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka XASSAN SHEIKH lakin waxaa muuqata is bar bar yaac iyo madaxweynayaal awood siman leh iyo gudoomiyayaal gobol.

waxaa jirta wufuda soomaalida loo casuumay si isku mid ah mid walibana wato ajende qaas u ah oo quseeya shirka kuna saabsan deegaanka uu ka socdo iyo dadkiisa halka madaxweyne XASANA uu wato qorshe dalkoo dhan ka kooban.

hadaba majirin wada tashi balaaran iyo qorsheyn ay ka qeyb galeen gobolada soomaliya  oo dhan oo ay sameeysey dowlada guud ee somalia, waxaa sii dheer qilaafyo jira , sida kan ka dhaxeeya Maamulka puntlan iyo DFS iyo kan baydhabo hada ka taagan , iyo kuwo badan oo an cago badan ku taagneeyn .

hadaba su ash mudan in leys weydiiyo hadey cid waliba socoto madaxweynaha yuu ma talayaa, wasiiradu yey ma talaan , waayo dowladu cid waliba wey ku jiraan hadey gobol tahay iyo hadey qabiil tahay , qaban qaabiyayaasha shirka ama besha caalamka keebeey qorshihiisa higsiga uu  wato qaadanayaan mise ujeedo kale ayaa jirta oo ah in qeyb waliba wax laga saxiixdo xogaana la siiyo .

wax katoo jira xilligan madaxweynaha rasmiga ah ee soomaaliya waa xasan sheikh  calankii iyo astaantii dalka asaa huwan hadii ay dhacaan wax lidi ku ah ama sumcad xumo u keenaya dalka soomaaliya kuma dhaceyso xasan sheikh ee umadda soomaaliyeed bey ku dhacee sidaa daraadeed maxaa la gudboon dad somaliya iyo wax gardkiisa

ka warama bal hadii Madaxweyne xasan qorshihiisa sax ama qald soo jeediyo madaxweynayasha goboladana ay diidaan midkalana soo bandhigaan weyba ku socotayee maxaad fileeysaa

marka waxaan u soo jeedin lahaa madaxda xilligan dhamaan tood in ay isku xishoodan sumcada dalkeenana dhowraan dhaqaale sharar xumo ku soo qaadatay waxaa dhanta baahi aad qiimo ku leedahay , gabar somali ah baa laga hayaa naaskeyga siisan maayo wax aan afka gashto ee waan u dhimanayaa, ma gabadhaan imanka ilah siiyey beey ka liitaan dhamaan kuwa is bar bar yacaya yaase ka ma suul ah

Hadaba aqristoow ogoow ka qeyg galayasha

1- Madaxweynaha Soomaaliya iyo asxaabtiisa , wasiiradiisa, xubno xildhibano ah iyo rag uu si      qaas ah u wato

2- Madaxweyne Goboledka Puntland

3-Galmug, ximin iyo xeeb, iyo Dhusa mareeb madaxweynayaal matalaya

4-  Kismaayo madaxa maamulka Jubba

5-Gudoomiyaha gobolka Gedo

6- Shabeelada hoose———-Gudoomiyaha gobolka

7-Shabeelada dhexe ———Gudoomiyaha gobolka

8-Banaadir———————–Gudoomiyaha gobolka

9- Baay ————————–Gudoomiyaha gobolka

iyo kuwo kale oo badan oo ku socda qaabab kala duwan ma soo koobi karo

Sidaa daraadeed waxaan ku soo gabo gabeeynaa hadal uu yiri majaajilistaha AW koonbe oo uu ku jilaayey ruwaayad, waxa aan booqanay anagoow afdi ah dalka Chine waxa aan ahyen 500 ruus anaa ugu horeyey oo diyarda ka sood agay madaxweynihii china ayaa si furan ii soo dhaweyey waxa uu yiri ku soo dhawada dalka china adi iyo wafdigaga

Awkoonbe ayaa ku yiri madaxweyne kuwan wafdigeey mahin ee waa madaxweynayasha SOMALIYA  ee 499 ani an ku ahay 500 .

madaxweynihii china aa yabay waxa uu yiri hal kuri sharaf aan u hayaa somalia marka isuga waxa aan dalbayaa hal kuri oo aad kuwada fariisataan shantiina boqol, yaab taas aa na heysata