Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho shirkad cusub oo dalka Turkiga laga leeyahay.
Wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in howlaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay la wareegtay shirkada Favori oo ah shirkad Turkish ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in howlaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin la wareegida Garoonka Muqdisho shirkadan cusub ee la wareegtay.
Dhanka kale Wasiirka warfaafinta ayaa beeniyay warar sida uu sheegay laga faafiyay kaasi oo ahaa inuu kasoo horjeedo in shirkada SKA oo ah shirkadii horey gacanta ugu haysay Garoonka Muqdisho laga wareejiyo.