waxaa daqiiqado ka hor si toos ah magaalada Baydhabo gaar ahaan Xaruntii hore ee Baarlamaanka soomaaliya ADC uga furmey Shirkii loogu Gogol Xaarayey Maamul Usameynta 6- Gobol ee Koonfurta Soomaaliya. Shirkaan ayaa wxaaa si toos ah U Furey Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdi Aadan Hoosow kaasoo ay dhinacyadiisu wada fadhiyeen Maamulka Gobolka xubnaha ku jiro , kan degmada Malaaqyada iyo Mas'uuliyiin kale.
waxaa furitaanka shirkaan si buuxda uga wada qeyb galay saaka Hay'adaha Samafalka ee ka howlgala Arlaadii Wakiiladooda, Ururada Local-ka ah, Ururrada HAweenka, Malaaqyadam Waxgarad, Aqoonyahno, maru sharaf ka kala imaadey dhowr Gobol oo hurudhac ah iyo rag siyaasiin hore ahaa ayadoo ay isla goobtaasina lagu arkayey Madaxdii Jabhadii Wax iska caabinta Ee RRA.
Shirkaan oo hada furmey waxaad naga dfilan doontaan saacadaha soo socda faah faahin dheeri ah sawiro codad iyo muuqaalo inshaa alah