Siyaasi Cabdulqaadir Maxamed Axmed (Dhagacade) ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan Madaxweynaha Konfur Galbeed Soomaaliya September 23, 2013

Siyaasiga dhalinta yar ee Cabdulqaadir Maxamed Axmed oo loo yaqaano Dhegacade ayaa waxa uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynanimada dowladgoboleedka Koonfurta iyo Koonfur galbeed Soomaaliya oo la filayo in dhawaan lagu dhiso magaalada Baydhabo.

Cabdulqaadir Dhegacade oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu iskusoo taagay xilkaan kadib markii uu arkay sida loo dayacay gobolada ay ka koobnaan doonto dowlad goboleedka Koonfurta iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Musharax Cabdulqaadir Maxamed Axmed (Dhegacade) ayaa in mudo ahba kusoo jiray siyaasada Soomaaliya gaar ahaan tan gobolada Koonfureed ee dalka isaga oo si dhowna ulasoo shaqeeyay madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedkii Koonfurgalbeed Soomaaliya Allaha u naxariistee, Dr. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud)

 

Sanadihii ugu dambeeyay ayuu siyaasigan ku sugnaa dalka Ingiriiska isaga oo bilihii lasoo dhaafayna ku sugnaa magaalada Muqdisho balse markii dambe u wareegay dhanka magaalada Baydhabo oo uu ol’olihiisa musharaxnimo ka wado.

Musharax Cabdulqaadir Dhegacade ayaa waxa uu wareysi uu siiyay shabakada warbaahinta Baidoa Media Centre ku sheegay inuu wax weyn ka qabanayo xaaladaha mururgsan ee gobolada Koonfurta iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya islamarkaasna uu ka shaqayn doono dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolada lixda ah ee lagu wado in dowlad goboleedka loogu dhiso magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd bal waxa uu yeelayo haddii uu ku guuldareysto hamigiisa ah qabashada xilka madaxweynanimada dowlad goboleedka Koonfurta iyo Koonfur galbeed Soomaaliya ayuu sheegay inuu la shaqayn doono cidkasta oo kusoo baxda xilkaas.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo badanaya siyaasiyiinta uu hamiga kaga jiro qabashada xilka madaxweynanimada dowladgoboleedka Koonfurta iyo Koonfur galbeed Soomaaliya taasoo lagu wado in lagu dhiso shir si rasmi ah dhawaan uga furmi doona magaalada Baydhabo islamarkaasna ay gogoshiisa dhigeen odayaasha dhaqanka Koonfurta iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.