TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA SOOMAALIYEED OO GAARAY BAYDHABO October 21, 2013

TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA SOOMAALIYEED OO GAARAY BAYDHABO October 21, 2013

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay taliyaha.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaa kusoo dhaweeyay maamulka Gobalka Baay iyo saraakiisha ciidanka Booliiska ee Gobalkaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayuu taliyaha salaam sharaf kaga qaatay garoonka Magaalada Baydhabo, isaga oo intaasi kadibna loosoo gudbiyay gudaha Magaalada Baydhabo.

Generaal Saacid ayaa maalmahan dambe booqasho ku maraya Gobalada dalka Soomaaliya, isaga oo dhawaan tagay Magaalada Beladweyne, halkaasi oo uu geeyay qalab milateri oo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed lagu wareejiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe ku aadan dib udhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.