War Farxad Leh: Wafdi Ka Socday Dowlada Xasan Guurguurte oo Loo Diiday Inay Gudaha u Galaan Magaalada Baydhabo Janaay Sep 11, 2013

War Farxad Leh: Wafdi Ka Socday Dowlada Xasan Guurguurte oo Loo Diiday Inay Gudaha u Galaan Magaalada Baydhabo Janaay   Sep 11, 2013

Ka dib markii golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ay dhawaan amar ku bixiyeen in wafdi ka socda dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Guurguurte aysan imaan karin magaalada Baydhabo, ayaa waxaa loo diiday in magaalada Baydhabo gudaha ugalaan, wafdi ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada ee dowlada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa la filayay inay kaga qaybgalaan Baydhabo xiritaanka siminnaar la siinayay in ka badan 80-macallin oo ka mid ah kuwo ay dowalddu u tababaraysay inay wax ka dhigaan iskuullada ay dowladdu dalka oo dhan ka furayso ee qaabka lacag la’aanta ah caruurta soomaaliyeed wax loogu barayo.

Sida warku sheegayo xubnahaasi ka socday dowladda ayaa lagu amaray inay dib ugu laabtaan magaalada muqdisho oo ay markii hore ka amababaxeen, iyadoo loo sheegay in dowladda soomaaliya ay arrintaasi iyadu ka mas’uul tahay sidaa owgeed imaan Karin cid ka socota dowladda Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya dowaldda Soomaaliya iyo Qowmiyada Digil iyo Mirifle ayaa wuxuu ka dhashay kadib markii dowladda uu hogaamiyo Guurguurte ay heshiis xaraan ah la saxiixatay maamulka Boobland ee Axmed Madoobe  markaasi oo ay ku dhawaaqeen odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle inay xiriirka u jareen dowladda soomaaliya iyagoo ku dhawaaqay inay qabanayaan shir maamul loogu sameynayo 6 gobol,waxayna odayaasha goboladaasi ku eedeeyeen Xasan Guurguurte inay dhulkii Digil iyo Mirifle heshiis kula galay Jabhad aan wax ku laheyn dhulka.

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa hadda maamula gole  ay ku mideysan yihiin malaaqyada Digil iyo Mirifle, kuwaasoo wadashaqeyn la leh maamulkii waqtigiisu dhamaaday oo wali howsha siiwada inkastoo loo sheegay in waqtigiisu ku egyahay marka uu furmo shirweynaha looga tashanayo sidii maamul loogu sameyn lahaa 6 gobol k/galbeed ee Soomaaliya.

Golaha malaaqyada ayaa waxay magacaabeen guddi kasoo shaqeeya sidii loo qaban lahaa shirweynaha maamul u sameynta Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo guddigu ay wadaan abaabul iyo u gogol-xaaridda shirweyne oo lagu qaban doono xaruntii Baarlamaanka ee Baydhabo.

Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Guurguurte ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin diidmada la sheegay in wafdiga ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada loo diiday inay gudaha u galaan magaalada Baydhabo Janaay, kuwaasoo kaga qaybgeli lahaa Baydhabo xiritaanka tababar in muddo ah la siinayey macalimiin loogu talo galay inay wax kadhigaan iskuulo cusub oo ay dowladda Soomaaliya dhisayso.