Macallinka kooxda Borussia Dortmund, Jurgen Klopp ayaa calaamadda cassaanka ah la siiyay kulankii Napoli 2-1 kaga badisay kadib markii uu si xun ula dhaqmay garsooraha afaraad ee ciyaarta oo daafaca Subotic u diiday in uu garoonka galo kadib markii laga daaweeyay dhaawac madaxa ka gaaray. Klopp ayaa la arkay isagoo wajiga wajiga u saaray garsooraha kuna dhawaaday xataa in uu u gacan qaado taas oo keentay in calaamadda cassaanka ah la siiyo. Wuxuu sheegay in qaabka uu u dhaqmay darteed ay horseeday in kooxdiisa oo finalka timid xilligii dhammaaday, ay guul-darro kala kulnto Napoli. “Ma aynaan muujin caawa qaabkii qurxanaa ee nalooga bartay taas oo keentay guul-darrada” ayuu Klopp u sheegay ZDF ciyaarta kadib.Waan ognahay in aan ka badin karnay Napoli, balse waxyaabo badan ayaa qaldamay oo ay ku jirto calaamaddii cassaanka aheyd ee aan qaatay” ayuu yiri. “Waxaan u dhaqmay sida Daanyeer oo kale, waan xad gudbay” ayuu yiri Klopp