waxaan u maleynayaa inay qof walbo dareemi karo, maqaalkaan Sep 17, 2013

waxaan u maleynayaa inay qof walbo dareemi karo, maqaalkaan  Sep 17, 2013

Waxaa la wada socotiin wax badan oo la qabtey shirar dalka gudahiisa iyo dibadiisa , iyadoo mar walbo 

loo adeegsanayoo siyaabo badan oo laagu qaato lacago badan  wadamada horemarey ee reer galbeedka ah 

iyagoo loo isticmaalo siyaabo badan oo kala duwan iyo u adeegsi figrado qabiil iyo dhul boob , balse waxaa is waydiin mudan maka 

duwanyahey kan ka dhacey brusell ku wii hore u dhacey oo lagu qabtey UKiyo turkiya, iyo wadamo ka mid ah khaliijka sida dabia,

maxaana ka soo baxey oo hadaf ah aan aheyn u adeegsi dagaal qabiil iyo dhul boobid aan aheyn ,? ayagoo u isticmaalaayo lacagaha kaalmada ah loogu talagaley dib u soo calinta sharaftii yio karaamadii wadanki hore loo oranjirey somalia,iyo dib u dhiskiisa 

ma ka sugeysaa isbadal madaxda hada joogta wadanka gudahiisa ku waas oo badankooda u bartey inay ku noolaadaan lacag ay dhib badan u mareynin 

oo ay ka qaadan jireyn dowlada ay ugu noolaan jireyn qaxootinimo dalkooda iyagoo ahaa dad dagaal ogiyaal oo ka dhinac dagaalamo ururadii diinta iyo kuwii qabiilka ka jirey wadanka gudahiisa ? waxaa mar walbo la is waydiiya sidee ay wax u qabsoon karaan?  iyagoo u badasha maskaxda uguna adeega   siyaabo badan si ay u lunsadaan dhaqaalaha ay ku qaataan magac dowladeed iyo mid qaran iyagoo u samaysta gacan yareyaal badan oo haysata figrado kala duwan  oon iyaga xataa aan isku aamin qabin ayna ku kalsooneyn, marka maxaa ka dhalan kara shirka hada ka socda wadanka bilgeam oo loogu balan qaadey lacag aan tiradeeda aan yareeyn dib ma u soo noqon kartaa sharaftii iyo karaamadii ay lahayd dowladii dhaxe ee waqtigii rajiimka ay jirtey ? qof walbo inuu is waydiiyo ayaa haboon  sida ay wax noqon karaan, mar hadii ay jiraan mucaarad badan oo ka soo horjeeda shirkaas ka dhacey wadanka bilgeamka ay ugu horeyso gooni isku taaga somaliland iyo gabalada koonfur galbeed ,malaga yaabo ina lacagtaas loo adeegsado xeelado dagaal qabow iyo mid gacan ka hadal ah, mar hadii ay tahey arinta lagu qaatey lacagta magac dawladeed taas oo ah inta dhulka uu ku fadhiyo somalia oo dhan,  adigoo u fiirin hadafka siyaasada qaldan uu ku socda dalkii hore loo oran  jirey somalia oo had noqdey 7 dowladood oo lah 8 madaxwayne iyo 20 ku xigeeno iyo ka badan 30 barlamaan  isku soo wada duub maxuu yahey hadafka ay ka leeyahiin reer galbeedka wadankii hore loo oranjirey somalia aqristoo maqaalkaan u aqri si ku jirto daganaan adigoo u arkin qalad inta aad ku dhax jirtid aqrintiisa ,

NB ; waxaa mahad lah alalhii awooda ii siiyey inaan soo bandhigo maqaalkayga iyo wadanka aan nabada ugu noolahey ee swedan ,iyo bahada wadaninews online thanks FOR GOD