Xubna kasoo jeeda beesha Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka Deeq Bixiyaasha ee Brussels kaga qeyb galayo magaca bulshada rayidka September 14, 2013

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shan xubnood ee bulshada rayidka ah ee ka qeyb galaayo shirka deeq bixiyaasha ee ka dhacaya 16ka bishan September magaalada Brussels ayaa waxaa ay gabi ahaantod yihiin beesha Hawiye.

Xog laga helaayo ilo ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in xubnaha bulshada rayidka ah ayaa waxa hogaaminaayo haweeney lagu magacaabo Xaliimo Yarey oo u dhalatay beesha habargedir balse afar xubnood oo ka mid ah bulshada rayidka ayaa waxaa ay kasoo jeedaan beesha abgaal gaar ahaan lafta madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud Safaroow.

Xubnaha bulshada rayidka ayaa waxaa ka mid ah Xasan Shire Sheekh iyo Jibriil Cabdulle oo madaxweyne Xasan Safaroow ay isku heyb hoose yihiin. Xubnaha bulshada rayidka ayaa waxaa la sheegay in ay qoreen Aweys Xaaji iyo C/raxmaan Yariisow oo iyaguna ah rag ay xigto hoose yihiin madaxweyne Xasan  Safaroow.

Ka dhigista Xaliima Yarey looga dhigay madaxa guddiga ayaa waxaa lagu macnaayay farsamo la doonayo in lagu khadlo bulshada caalamka maadaama ay tahay qof haween ah.